Ugu yaraan 10 qaxooti Soomaali ah oo ku noolaa xeryaha qaxootiga dalka Uganda, ayaa gaajo iyo Cudurka Safmareenka ah ee COVID-19 u geeriyooday, labadii toddobaad ee ugu dambeysay.
Waxaa la sheegay sababta ay u geeriyoodeen in ay tahay caawinaad la’aan maadaama dalka Uganda uu ku jiro xayiraad ka dhan ah fayraska Covid19.
Khalis Muhammad oo ah gudoomiye ku xigeenka Jaaliyada Soomaalida ee Uganda oo la hadlay wakaalada Anadolu Agency ayaa sheegay in qaar ka mid ah qaxootiga ay u dhinteen gaajo halka kuwa kalena ay u dhinteen viruska.
HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA
Wuxuu sheegay inay jiraan muwaadiniin Soomaaliyeed oo maalqabeenno ah oo ganacsi ku leh magaalada Kampala, laakiin aysan gaari karin dadka u nugul xayiraadaha jira awgood.