Bayaan ka soo baxay Ururka Daalibaan ayey ku sheegeen inay ka dambeeyeen Qarixii lala beegsaday Wasiirka Difaaca ee dalkaasi, Jeneral Bismillaahi Maxamedi Khaan.
Gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa lagu qarxiyey meel ku dhow Guriga Martida ee uu Wasiirka ka deggan yahay caasimadda dalkaasi ee Kaabul.
Afhayeenka Wasaaaradda Arrimaha Gudaha ee dalkaasi, Mirways Istanekzaay waxa uu sheegay in ugu yaran 8 qof ayaa ku geeriyootay, 20 kalena ku dhaawacantay Qaaraxaasi.
RIIX HALKAAN SI AA U DAAWATO MUUQAALKA
Afhayeenka waxa uu tilmaamay in la wada dilay Afartii dableyda ee weerarka soo qaaday, kadib, markii lala galay Isk-horimaad socday muddo 5 saacadood.