WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Qaabkii loogu dhawaaqay Golaha Wasiirada Puntland iyo Magacyadooda oo dhan-Video+Akhriso

Garoowe  ( HM ) Madaxwaynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi DENI ayaa magacaabay Golaha Wasiirada Cusub oo ka Kooban 18 Wasiir, 22 Wasiir ku xigeen, iyo 9 Wasiiru Dowle.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Cali sabarey  oo kamid ahaa hogaankii Sare ee  jabhadii SSC ayaa loo magacaabay wasiirka warfaafinta,  Sidoo kale   Maamulihii Dugsiga Boosaaso Public Siciid Fiisigis ayaa loo magacaabay Wasiirka Xanaanada Xoolaha.

Cabdisamad Maxamed Gallan kana mid ahaa musharixiintii Xilka madaxwayne ayaa loo magacaabay Wasiirka Amniga,  Sidoo kale Dr Jaamac Faarax Xasan ayaa loo magacaabay  wasiirka  wasaarada Caafimaadka Puntland.

AKHRISO LIISKA WASIIRADA PUNTLAND  OO DHAMAYSTIRAN.

1 – Cawil Sh. Xaamud – Wasiirka Cadaaladda iyo Arimaha diinta

2 – Maxamed Cabdiraxman dhabancad – Wasiirka Arimaha Gudaha, Federaalka iyo dimuqraadiyadda

3 – Cabdisamad Maxamed gallan – Wasiirka Amniga.

4 – Xasan Shire Abgaal – Wasiirka Maaliyadda

5 – Cabdiqafaar cilmi xaange – Wasiirka Qorsheynta iyo Hormarinta dhaqaalaha.

6 – Cabdulahi maxamed xasan – Wasiirka Waxbarashada

7 – Dr. Jaamac faarax xasan – Wasiirka Caafimadka.

8 – Axmed bashiir muuse – Wasiirka Howlaha Guud iyo Guryaynta

9 – Maxamed cabdi Cismaan – Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka badda.

10 – Xuseen cismaan gabiley – Wasiirka Howlaha Guud & Garoomada.

11 – Aamino cismaan xaaji jaamac – Wasiirka Haweenka iyo Qoyska.

12 – Cali xasan axmed (Sabarey ) – Wasiirka Warfaafinta.

13 – siciid Cisman aadan fiisigis – Wasiirka Xanaanada Xoolaha.

14 – Ismaaciil diiriye gamadiid – Wasiirka deegaanka iyo Beeraha.

15 – Cabdulahi cabdi xirsi -Wasiirka Ganacsiga.

16 – Faarax maxamud cawaash – Wasiirka Kaluumeysiga.

17 – Jaamac faarax muuse – Wasiirka Shaqada, Shaqalaha, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha.

18 – Axmed maxamed yusuf taaraan – Wasiirka Tamarta, Macdanta iyo biyaha.

SOMALI NEWS

To Top