WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Puntland Shaqaale musuq maasuq lagu helay oo Xabsiga la dhigay-Video

Garoowe (HM)-Xukuumadda cusub ee Maamul Goboleedka Puntland ayaa markii u horeysay sheegtay in qaar ka mid ah shaqaalaha Puntland loo xiray arrimo la xiriira musuq maasuq.

Wasiirka Maaliyadda Maamulka Puntland Xasan Shire Cabdi ayaa maanta magaalada Boosaaso ka sheegay in ay jiraan shaqaale ka tirsan wasaaraddiisa oo loo xiray musuq maasuq isagoo xusay in maxkamad la horgeyn doono dadkaasi ku eedaysan musuq maasuqa.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Balse Wasiirka ayaan faahfaahin tirada shaqaalaha loo haysto musuq-maasuqa iyo xarumaha ay ka hawlgelayeen.

Sidoo kale guddoomiyaha degmada Qandala ee gobolka Bari Yuusuf Qixiye Ciise ayaa warbaahintu u xaqiijiyay in la xiray madaxii kastamka canshuuraha degmadaasi Qandala isagoo lagu eedeeyay inuu ku kacay musuq maasuq.

SOMALI NEWS

To Top