WARARKA SOOMAALI

Puntland oo qaadacday shirkii Madaxweyne Farmaajo ku casuumay Maamul gobaleedyada-Video

Garoowe (HM) – Wasiirka warfaafinta Maamul goboleedka Puntland, Cabdulllaahi Cali Xirsi (Timacade) oo warbaahinta ugu warramay magaalada Garoowe ayaa qaadacay shirkii uu dhowaan madaxweynaha Soomaaliya uu ku casuumay madaxda dowladda goboleedyada, si looga arrinsado doorashooyinka ee 2020/2021-ka.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Timacade ayaa shaaciyey in Puntland aysan ka qeyb-geli doonin shirkaasi, islamarkaana ay taageersan tahay baaqii guddoomiyaha golaha aqalka sare ee Baarlaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdulllaahi ee ahaa in la’isugu yimaado shir wadatashi ah oo ku aadan xaaladda dalka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ka maamul ahaan aysan qeyb ka noqon doonin mar-marsiiyo uu sheegay inay wadaan Madaxda dowladda dhexe, si dib loogu dhigo doorashooyinka soo socda ee la filayo in la qabto dhamaadka sanadkan illaa 2021-ka.

Wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Puntland ayaa xusay inay muhiim tahay in ilaaliyo waqtiga doorashada, islamarkaana laga heshiiyo nooceeda, si ay noqoto doorasho la wada ogol yahay oo ay qeyb ka yihiin saamileyda siyasadeed ee Soomaaliya.

Puntland oo uu haatan khilaaf soo jiitamay kala dhexeeyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa noqoneysa maamulkii ugu horreeyey ee ka hor-yimaad casuumaada uu madaxweyne Farmaajo u fidiyey madaxda dowlad goboleedyada ka jira dalka, ka hor inta uusan aadin Jabuuti.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top