WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Puntland oo jawaab kulul ka bixisay eedeyntii Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Qodobada shirkii Garoowe-Video

Garoowe (HM)-Maamulka Puntland ayaa jawaab ka bixiyay hadalkii shalay kasoo yeedhay Wasiiradda dowladda Soomaaliya ee ku sugnaa Magaalada Garowe oo sheegay in Qodobadii kasoo baxay Shirweynihii Puntland ay kasoo horjeeddaan.

Wasiiro uu ka mid yahay Wasiirka Arimaha Gudaha Maxamed Cabdiraxmaan Dhamancad oo Warbaahinta kula hadlay Garowe ayaa sheegay in aysan jirin saameyn ay ku lahaayeen Wasiiradda dowladda Shirka.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Waxa ay sidoo kale sheegay in tahay wax laga naxo hadalkii shalay kasoo yeedhay Wasiiradda  dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Wasiirradu waxay kale oo sheegeen in safarka madaxweyne Deni ee Xamar uu keliya yahay gogol xaadhka shirka Puntland ku baaqday ee dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada.

Waxay sheegeen in madaxweyne Deni aanu wada-hadallo hadda la yeelanayn madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisal wasaare Kheyre.

SOMALI NEWS

To Top