Dowlad Goboleedka Puntland ayaa go’aan rasmi ah ka soo saaray xaalada doorashada dalka Soomaaliya, iyagoona ka horyimid muddo kordhinta labada ee Xildhibaanada Golaha Shacabka u sameeyeen hay’addaha dowladda iyo Farmaajo.
War-saxaafadeed ka kooban 7 qodob ayuu soo saaray Maamulka Puntland, isla markaana ku baaqay in miiska wadahadalka doorashada ee heshiiskii 17kii September 2020 dib loogu laabto.
Puntland ayaa sheegtay in haddii dib loogu laaban waayo wada-hadalkii Mdaxda dowladda iyo dowlad Goboleeyada ay qaadi doonaan tallaabo cad ah, ayna la wadaagi doonaan Bulshada Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka.