Garoowe (HM)-Madaxweynaha Maamul gobaleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo maanta khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay shirka wadagashiga Puntland ee Garoowe ayaa dhaliilo xoogan dusha uga tuuray Dowlada Federaalka Soomaaliya.
Khudbada Madaxweyne Deni oo u badnayd dhaliil iyo tabasho dowladda federaalka ayaa sidoo kale uu ka hadlay marxaladihii kala duwanaa ee Puntland soo martay 21 sanno ee ay jirtay.
Deni wuxuu sheegay in Ajendaha shirka garoowe uu yahay sidii looga tashan lahaa wadadadii Puntland ku socotay 21 sanno ee la soo dhaafay iyo sida laga yeelayo xiriirka dowldda federaalka iyo Puntland oo aan wanaagsanay, islamarkaana si mug leh loo qiimeeyo marxaladihii la soo maray, jihaynta mustaqbalka iyo aayaha Puntland.