WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Puntland Axmed Karaash oo ka hadlay Beelo ku dhawaaqay hirgalinta Shareecada Islaamka-Video

Garoowe (HM)-Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) ayaa ka hadlay Beelo dhawaan sheegay inay ku dhaqmayaan shareecada islaamka isku maamulkeeda isla markaana ay ka madax banaan doonaan maamulka Puntland.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Axmed Karaash oo maanta boqolaal shacab ah salaada Ciida kula oogay Garoowe ayaa arrintaas gaashanka u daruuray waxaana uu sheegay Puntland in aysan u dul qaadanayn beelo ama wax uu ugu yeeshay Guruubyo arrimo gaara kala qaadanaya. waxaana uu intaas ku daray in puntland diyaar u tahay in ay la fadhiisato cid kastoo wax tabanaysa.laakiin aan hada loo baahnayn Guruubyo beeleed.

 

SOMALI NEWS

To Top