Mudo Bil iyo Badh ah ayaa kasoo wareegtay markii la doortay Muuse Biixi Cabdi Madaxwaynaha Somaliland, Iyadoona Xubnaha uu magacaabay u badan yihiin kuwa aan kasoo Muuqan Ololihii Doorashada ee Muuse Biixi uu ku jiray, Iyadoona ay meesha ka maqan yihiin Xubnihii sida wayn taageerada ugu muujiyey.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Telefishinka Eryal oo Warbixin arintaasi ka diyaariyey ayaa sheegay inay Cadho ku maqan yihiin Xubno ay kamid yihin Prof. Axmed Samtar iyo Jamaal Cali Xuseen, Sidoo kalana loo diiday inay Xil ka qabtaan Xukuumada Cusub, Waxaana Xusid mudan oo warbinta lagu sheegay in mid kamid ah laga soo xigtay inay la yaaban yihiin Qaabka lagu soo Xulay Wasiirada.
Xubnahan ayaa u muuqda inay Mareen Halkii ay Horey u mareen Wasiiro ka tirsanaa Xukuumadii Siilaanyo, Kuwaasi oo Hormuud ka ahaa Ololihii Doorashada.