Guddigii Xukuumadda Federaalka Soomaaliya u xil saartay baaritaanka dilkii 21-ka bishii Janaayo 2021 loo geystay Guddoomiyihi hore ee degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ayaa Maanta yeeshan kulankii 9-aad.
Guddiga baarista dilkii Allaha u naxariistee Guddoomiye Cabdixakiin Dhegajuun ayaa natiijada kasoo baxday baaritaanka kiiska ku wareejiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka, si loogu sii gudbiyo Maxkamad.
Wasiirka amniga Xukuumadda xilgaarsiinta Xasan Xundubey Jimcaale oo isna la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in kiiska Marxuum Cabdixakiin lagu wareejiyay Xafiiska Xeer ilaalinta, ayna rajeynayaan in qoyska Marxuumka ay cadaalad heli doonaan.