WARARKA SOOMAALI

DAAWO: MW Xasan Sheekh oo Go’aan adeg ka qaatay gooni isku taaga Somaliland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan dalka Mareykanka ayaa ka hadlay arrinta Somaliland iyo sida laga yeelayo gooni isku taagga maamulka Somaliland oo sheegta inay go’een Soomaaliya inteeda kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad u jeedinayay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Washingto ayaa waxaa uu sheegay marka in siyaasadda Somaliland ay dowladda Soomaaliya ku dhaqmeyso ay tahay mid aan Colaad iyo faragelin laheyn.

Wuxuu tilmaamay Madaxweynaha in marnaba aysan dowladda Federaalka Soomaaliya aqbaleynin in Somaliland ka go’do Soomaaliya inteeda kale qaab kasta oo ay arrintaas ku timaado, isla markaana Somaliland ay walaalo la yihiin dowladda Federaalka.

Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa caddeeyay inay diyaar u yihiin wada-xaajood iyo in wax walba lagu dhammeeyo isfaham, ayna xitaa u ogol yihiin inay iyaga soo diyaariyaan qaabka loo heshiinayo iyo qodobada heshiiska.

HALKAAN KA DAAWO MUUQALKA XASAN

DAAWO: MW Xasan Sheekh oo Go’aan adeg ka qaatay gooni isku taaga Somaliland
To Top