WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-MW Mustafe Cagjar oo War kulul kasoo saaray xaaladda Itoobiya

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustafa Muxumed Cagjar ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Faceebook ku sheegay in dagaalka ka socda Itoobiya uu u dhaxeeyo argagixisada TPLF iyo dawlada federalka Itoobiya.

Madaxweyne Mustafe Cagjar ayaa waxaa uu sheegay in kooxda hubeysan ee TPLF ay u qorsheysan tahay inay dumiso nidaamka hadda jira dibna saameeyn ugu yeelato siyaasada dawlada dhexe si ay mar kale u guumaysato shacabka Soomaalida

“Dagaalka ka socda Waqooyiga Itoobiya wuxuu u dhaxeeyaa argagixisada TPLF iyo dawlada federalka Itoobiya, ee uma dhaxeeyo laba deegaan oo dhul isku haysta. Waxaa argagixisada TPLF u qorshaysan inay dumiso nidaamka hadda jira dibna saameeyn ugu yeelato siyaasada dawlada dhexe si ay mar kale u guumaysato shucuubaha dalka ee Soomaalidu ka mid tahay,” ayuu ku yiri qoraalka uu soo dhigay bartiisa Facebook.

RIIX HALKAAN SI AAD U DAAWATO

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in baraha bulshada ay taageerayaasha TPLF la dhex wareegayeen talooyin liita kuwaas oo uu ku tilmaamay inay kabaha u qaadayaan dadkii horay u xasuuqday shacabka deegaanka Soomaalida.

SOMALI NEWS

To Top