Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay xubnaha ku matelaya dalka Ciyaaraha Olombikada Adduunka ayaa ku dhiirri-geliyey in ay kor u qaadaan magaca iyo sumcadda dalka uu ku leeyahay ciyaaraha Olombikada.
Madaxweynuhu ayaa waxa uu guddoonsiiyey Cali Iidow Xasan oo ka mid ah xiddigaha matalaya dalka Calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si uga dhex muujiyo Fagaaraha Olombikada Adduunka.
Dalka waxa ku matalaya Tartankan Ciyaaraha Olombikada Adduunka labo ciyaartooy oo kala ah Cali Iidow Xasan oo ka qeyb-gelaya ciyaaraha fudud gaar ahaan orodka 800-Mitir iyo Ramlo Cali oo ku matalaysa Feerka ahna gabadhii ugu horreysey ee Soomaaliyeed oo ka qayb gasha tartan Caalami oo heerkan ah.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ciyaaryahannada Qaranka ku matalaya Olombikada Adduunka u rajeeyay guul, isaga oo xusay magaca iyo maamuuska Qaran ee ay huwan yihiin.