WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-MW Farmaajo oo Asteeyay maalinta la dagaalanka Musuqa ee Somalia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb galay munaasabad lagu daah-furayey Guddiga Madaxa Bannaan ee La Dagaallanka Musuq-maasuqa iyo ka mid noqoshada Sharciyada Caalammiga ah ee La Dagaallanka Musuq-maasuqa ayaa tilmaamay in Guddigani uu gundhig u yahay hufnaanta maamulka iyo maaliyadda ee Dalka.

Madaxweynaha oo dul istaagay dadaallada miro-dhalay ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya gelisay la dagaallanka musuq-maasuqa iyo ku tagri-falka hantida dadweynaha, ayaa muujiyey muhiimadda ay leedahay in ay Soomaaliya ka mid noqoto Sharciyada Caalammiga ah ee La Dagaallanka Musuq-maasuqa, sida: Sharciga Heshiiska Midowga Afrika ee La Dagaallanka Musuq-maasuqa, Sharciga Heshiiska Jaamacadda Carabta ee La Dagaallanka Musuq-maasuqa iyo Sharciga Heshiiska Qarammada Midoobey ee La Dagaallanka Musuq-maasuqa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo kula dardaarmay Guddiga Madaxa Bannaan ee La Dagaallanka Musuq-maasuqa in ay waajibaadkooda u gutaan si ay ku dheehan tahay waddaniyad iyo hufnaan, ayaa sidoo kale xeeriyey in 14-ka Ogoosto loo aqoonsado Maalinta Qaran ee La Dagaallanka Musuq-maasuqa ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Munaasabadda waxaa kale oo ka qayb galay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee JFS Mudane Baashe Yuusuf Axmed, Wasiirro ka tirsan Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaanno ka mid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Taliyeyaasha Ciidammada Booliiska iyo Asluubta Soomaaliyeed, Guddoomiyaha Guddiga Madax Bannaan ee La Dagaallanka Musuq-maasuqa.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

SOMALI NEWS

To Top