WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Madaxweyne Farmaajo iyo RW Rooble oo heshiis ka gaaray khilaafkii jiray (Qodobo xasaasi)

Madaxweynaha Jamhuridaada Fedweraalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble  oo wada hadal yeeshay ayaa xal ka gaaray khilaafkii xooganaa ee u dhexeeyay.

War-saxaafadeed ay soo saareen kulanka kadib ayaa waxaa lagu sheegay in dhinacyadu ay heshiisa gaareen, waxaana xal buuxa lag gaaray waxyaabihii lagu kala aragtida duwanaa.

Waxyaaabha lagu heshiiyay ayaa waxaa ka mid ah in Bashiir Goobe Taliyhii NISA ee Rooble magacaabay laga dhigo Wasiir dowle, waxaana xilkiisii loo daayay Cabdullaahi Maxamed Nuur wasiirka Amniga uu hoary u magacaabay Rooble.

Dhanka kale waxaa Yaasiin Faray loo dayay in uu sii ahaado ku simaha Agaasinka NISA, maadaama uu xilkaas u magacaabay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa Warbaahinta u Akhriyey War-saaxafadeedka qodobada heshiiska ee Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA MACALIMUU

DAAWO:-Madaxweyne Farmaajo iyo RW Rooble oo heshiis ka gaaray khilaafkii jiray (Qodobo xasaasi)
To Top