WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Muxuu RW Rooble kala hadlay Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan looga hadlayay qabashada doorashada Aqalka Sare ee Gobollada Waqooyi la yeeshay Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka.

Kulanka ayaa sidoo kala waxaa ka qeyb galay Guddiga Doorashooyinka Somaliland, kulankaas oo uu sidoo kale ka qeyb galo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa amray in si deg deg ah loo bilaabo doorashada Aqalka Sare, maadaama lasoo afjaray khilaafkii ka dhex taagnaa labada dhinac.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa tilmaamay in laga doonaayo in aysan todobaadkaan la dhaafin.

Dhawaan ayay ahayd markii ay heshiis wada jir ah ay ka gaareen  Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka kaas oo lagu soo afjaray is afgaran waagi ka tagna arrimah doorashada gobollada waqooyi.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

SOMALI NEWS

To Top