WARARKA SOOMAALI

DAAWO: Muxuu RW Rooble kala hadlay Beesha Caalamka, kadib kulankii dhacay?

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble oo ay wehliyaan Gudidda gurmadka Abaaraha ayaa kulan la qaatay wakiillada beesha caalamka iyagoo kala shiray xaaladda abaaraha dalka oo maraysa meel khatar ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku baaqay in deg deg loogu soo gurmado shacabka Soomaaliyeed ee abaartu hayso, isagoo u mahad celiyey dalalka ilaa hadda kaalmada soo gaarsiiyey Shacabka Soomaaliyeed.

” Mahad gaar ah ayaan u jeedinayaa dalalka iyo hey’addaha ilaa hadda gurmadka nala soo gaaray, waxaanse caddeynayaa in baaxadda abaarta iyo baahida jirtaa ay aad uga weyn tahay inta na soo gaartay iyo itaalka Dowladda Federaalka Soomaaliyeed” Sidaas darteed waxaan mar kale caalamka ka codsanayaa in deg deg loogu soo gurmado dadka Soomaaliyeed ee abaartu hayso.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ka digay in abaartu sababi karto macalluul keenta geeri wadareed iyo xaalad bani’aadminimo oo ay adkaan doonto in wax laga qabto.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

DAAWO: Muxuu RW Rooble kala hadlay Beesha Caalamka, kadib kulankii dhacay?
To Top