WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Muxuu Ra’iisul Wasaare Rooble kala hadlay Taliyeyaasha Ciidamada?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay taliyeyaasha Ciidammada Qalabka sida iyo Guddoomiye ku-xigeenka koowad ee Golaha Shacabka Cabdiweli Ibraahim Sh. Muuddey.

Kulanka dhexmaray Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Taliyeyaasha Ciidamada ayaa waxaa looga wada hadlay xoojinta amniga dalka, ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta iyo amniga doorashooyinka ka dhacaya dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray Taliyeyaasha Ciidamada Milateriga inay dardargeliyaan howlgallada lagula dagaalamayo Maleeshiyaadka Al-shabaab, wuxuuna sidoo kalena u sheegay Talisyada Booliska iyo Nabadsugida ka shaqeyn amniga.

Kulankaan kan ka horreeyay ayuu Ra’iisul Wasaare Rooble la qaatay Agaasimaha cusub ee Hay’adda Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka ee NISA Fahad Yaasiin iyo Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud Qaroole.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

SOMALI NEWS

To Top