WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Muuse Biixi“Shacabka Somaliland waxay odhan doonaan waan ku qasaarnay,,-Video

Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi  oo kulmay Xubnaha Xisbiga Kulmiye iyo Wasiiro ka tirsanaa Xukuumaddii Siilaanyo ayaa ka hadlay arimo Xasaasiya.

Muuse Biixi ayaa aad uga hadlay Musuq maasuqa Hadheeyey Maamulka Soomaaliland iyo sida ay shacabku uga walaacsan yihiin.

Muuse Biixi ayaa sheegay in laba arin midkood uu ku sifoobi doono,kuwaas oo kala ah inuu noqdo qof suuliya Musuqmaasuqa ama inuu halkii kasii miiso,waxana uu uga digay Masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye iney ku lug yeeshaan Musuq maasuqa.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Soomaaliland ayaa sheegay in Shacabku oran doonaan waan eednay Muuse Biixi xitaa haduu wax wanaagsan qabto sida uu hadalka u dhigay.

 

SOMALI NEWS

To Top