WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Muuse Biixi oo shirkii maanta ka jeediyay Khudbad lama filaan noqotay-Video+Warbixin

Hargeysa (HM) – Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta khudbadiisi labaad ka jeediyay kulanka wada-hadalada ee ka socda dalka Jabuuti, oo galay wajigiisi labaad.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sheegay in shirka wada-hadalada ee ka socda Jabuuti ay qeyb ka noqon karaan qofkasta oo Soomaali ah, maadama uu xusay in looga tashanayo aayaha umadda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Biixi ayaa si cad u sheegay in loo baahan yahay in xal waara la gaadho, kaasi oo ku dhisan waaqica jira, isagoona carabka ku adkeeyay gooni isu-taaga ay ku doodo Somaliland ee mudada badan ay aqoonsiga u baadi-goobeysay.

Sidoo kale waxa uu Madaxweynuhu ka dhawaajiyey in lagama maarmaan tahay in la fuliyo waxkasta oo lagu heshiiyo, isla markaana la meel mariyo, taasi oo mid miro dhala ka dhigeysa wada-hadalada labada dhinac.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Muuse Biixi ayaa sheegay inuu diyaar u yahay dhageysiga madaxda Soomaaliya iyo arrinta ay la yimadaan miiska wada-hadalka, iyada oo uu meesha ka saaray in midnimo keligeed gacmaha la isku qabsan karo.

Muuse Biixi ayaa ku cel-celiyay inay muhiim tahay xiligan in la heshiiyo oo wax meel la isla wada dhigo, si horumar loo wada sameeyo dhamaan iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed.

Hadalka Madaxweynaha Soomaliland ayaa ku soo aadaya xili uu shalay furitaanka shirka ka hor cadeeyay mowqifka gooni isu-taaga iyo tabashada ay ka qabaan dowladda federaalka, midaasi oo ku qotontay in si madax-banaan ay beesha caalamku deeqeheeda ugala tacaamusho Somaliland isagoo sidoo kalena Beesha caalamka waydiistay aqoonsi caalami ah.

Horufadhi News

Muuse Biixi Shirka Jabuuti.
@Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top