WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Muuse Biixi oo sheegay inuu Farmaajo Maamulkiisa curyaamiyey-Video

Hargeisa  (HM ) Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo khudbad ka jeediyey Hargeisa,  ayaa eedeyn usoo jeediyay Madaxweynaha Dowladda federaalka Soomaaliya.

“Maalmahan waxa jira guddi laga magacaabay dawladda Muqdisho oo uu magacaabay madaxweynaha Soomaaliya, guddiga marka la magacaabayo waxa ka horreeya ujeeddada loo magacaabay iyo hawsha loo dirayo, hawsha guddidaas loo diray waa laba qodob, labadaas qodobna midna Somaliland ma khuseeyo, mar haddaanay khusaynna Somaliland ahaan wixii gudahooda ah farogelin maynno.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Waxa kale oo deelqaaf ah oo aan caqliga gelin guddi buu magacaabay oo uu yidhi Somaliland baannu doonaynaa inaannu lasoo heshiinno, rag Somaliland u dhashay oo isaga la joogana wuu soo magacaabay, taas macnaheeduna waa Somaliland aniga ayey ila joogtaa, hubaashuna waa dadka kula joogaa waa dad Somaliland u dhashay, laakiin aan wadin qaddiyaddii Somaliland iyo go’aankii Somaliland, mana dhici karto inay Somaliland u hadlaan dad Farmaajo u shaqeeyaa, waxase u hadli doona dadkeeda xilalkeeda haya ee ummaddani dooratay ama ay igmatay inay u hadlaan.”

Muuse Biixi ayaa sheegay in  Somaliland intii uu madaxweyne Farmaajo xilka yimid, ay kala kulmeen cadaawad aan hore loo arag.

SOMALI NEWS

To Top