WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Muuse Biixi oo shaaciyay in DFS ay caqabad weyn ku tahay Somaliland

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ku eedeeyay Madaxda dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya inay yihiin Cadawgooda koobaad, isla markaana dhibaato badan ku hayaan.

Muuse Biixi oo hadal ka jeediyay munaasabad lagu xusayay 18-ka May ayaa sheegay in Caalamka dowlada kaliya ee kasoo horjeeda Qaranimada Somaliand ay tahay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sidoo kale Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa uu sheegay in dhibaatooyinkii lo geystay Shacabka Somaaliland aysan u heysan cid gooni ah, balse ay mas’uul ka aheyd dowladdaii uu hoggaaminayay Kaligii taliye Maxamed Siyaad Barre waa sida uu hadalka u dhigay.

Halkaan ka Daawo Muuqaalka Madaxweyne Biixi.

SOMALI NEWS

To Top