WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Muuse Biixi oo Maanta Siilaanyo xilka kala wareegaya iyo Xisbiga Wadani oo Diiday ka qayb galka Munaasibadda-Video

Aqalka Madaxtoyada Maamulka Somaliland waxaa hada ka socota qaban qaabada munaasabad ay xilka kula kala waregayaan Madaxweynaha cusub ee Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud {Siilanyo}.

Munaasabadan ayaa la filaya iney ka qeyb galaan masuuliyiin ka socda beesha caalamka oo gaaray Magaalada Hargeysa iyo wakiila ka socda wadamada Ethopia iyo jabuuti iyado ay suurta gal tahay iney wafuud kale ka qeyb gasho xaflada xil warejinta.

Saraakiil u hadlay Xisbiga Wadani oo Horufadhimedia soo xigatay ayaa sheegay in aysan ka qayb gali dooniin Munaasibadda maanta uu Muuse Biixi Xilka kagala wareegayo Siilaanyo.

Doorashadii Bishii hore 13-keedii ka dhacday deegaanada Maamulka Somaliland ayaa waxaa hadheyay muran iyo is qabqabsi ka dhashay natiijada walow uu markii dambe tanaasulay Xisbiga wadani iyada oo Muuse Biixina lagu eedeeyay in uu ku shubtay doorashada isla markaana uusan kusoo bixin dariiq xalaal ah.

Beesha Caalamka ayaa dhaleecaysay war ay kasoo saartay natiijaadii waxaa ay dhaleecaysay qaabka ay wax u socdaan iyada oo ku sheegaty doorashadii maamulka Somaliland mid uu hadheeyay mad madow xooggan.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

 

SOMALI NEWS

To Top