WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Muuse Biixi oo dhoolatus kusoo bandhigay Hargeysa Dowladda Soomaliyana ku sheegay Dameer ciyey-Video

Hargeisa ( HM) Waxaa maanta magaalada Hargeisa kusoo noqday Muuse Biixi Cabdi Madaxwaynaha Somaliland, kadib Safar uu dhowr Casho ugu maqnaa Hargeisa.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Khudbad dhinacyo badan taabanaysa oo uu jeediyey ayuu uga hadlay Safarkii uu ku tagay dalka Gini Konokari, Iyo kulamadii uu dalka Itoobiya kula soo yeeshay masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Itoobiya.

Sidoo kale wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay Culayska ay Dawadda Soomaaliya saartay Gini.

“Si wacan ayey noo qaabileen, dabeetana weerarkan Xamar baa ayaa yimi culeys badan bay meelo badan ku mareen oo Talyaanigu ugu horreeyey, cadaadiska ugu weynna Talyaani ayuu ahaa, lakin qoladan Gini uma aysan dib cin, shalay markay tageen shirkii Africa wuxuu sheegay madaxweynaha Gini in Somaliland xaq u leedahay arinteeda”

Biixii ayaa xusay in Taariikhda ay Soomaaliya leedahay inta badan ay ka timid dhinaca gobolada Waqooyi, Wuxuuna xusay Halgankiii Daraawiishta ee magaalada Taleex.

“Halgankii Daraawiishtu Somaliland buu ahaa oo Taleex dee waa Somaliland oo ciidankii dagaalmay Somaliland bay ahaayeen oo waatii aan ahayn halkii ugu horraysay ee Africa diyaarado lagu weeraro oo Koonfuri nalama wadaagto” Ayuu yidhi Muuse Biixi.

Wuxuu ka hadlay go’aankii Dawladda Soomaaliya ay ka qaadatay dalka Gini, wuxuuna sheegay inay Dawladda Soomaaliya ay kasoo horjeedo in maamuus loo sameeyo Somaliland. “Maxaa ku kalifaya godobta intaas le’eg, Waana dad ka war haya wixii Somaliland gaadhay ” Ayuu yidhi Biixi.

SOMALI NEWS

To Top