WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Muuse Biixi oo ka cabsi qaba Farmaajo oo uu sheegay inuu Soomaliland kusoo socdo-Video

Laascaanood ( HM ) Madaxwaynaha maamulka aqoonsi raadiska ah ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta ka hadlay Arimo kala duwan oo la Xidhiidha Xaalada Somaliland , Arimaha Geeska Afrika iyo Arimo la xidhiidha Dawladda Federaalka Soomaaliya.

HALKAN KA DAAWO

Wuxuu sheegay in deegaanada maamulka Somaliland ay uga Duwan yiin Soomaalida Kale Hadalada inta badan aan Munaasibka ahayn ee ay Warbaahinta isku Mariyaan, Balse Wuxuu xusay inay yihiin dad midaysan, Diimuqraadi ah oo is jecel.

Dhinaca kale Wuxuu ka hadlay Saamaynta Geeska Afrika uu ku leeyahay guud ahaan Caalamka, Barwaada ku duugan ee Shidaalka iyo Khayraadka badda, taasi oo keentay Dawladdo xoogan loolan usoo galaan, Wuxuuna is waydiiyey doorka ay Somaliland arintaasi ka ciyaari karto.

Dhinaca kale  Wuxuu Dhaliilo usoo jeediyey Dawladda Federaalka Soomaaliya, Isagoo xusay inay kusoo Wajahan tahay Dhinaca Somaliland.

“Kismaayo dagaal ayaa ka socda,  Xamar dagaal ayaa ka socda oo Madaxwayneyaashii ayaa lagu xidhayaa,  Dhuusamareeb dagaal ayaa ka socda, Puntland baa u dambaysay oo wataa la Qarxiyey,  Hada kadib waxay Dowladda Federaalku u soo tababaraneysaa Somaliland,   Waan Aragnaa Waxaad soo wado Farmaajoow” Ayuu yidhi Muuse Biixi

SOMALI NEWS

To Top