Hargeisa ( HM ) Madaxweynaha maamulka aqoonsi raadiska ah ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in uu ku qanacsan yahay go’aanka golaha wakiilladu ka gaadhaan xubnahaha uu u magacaabay guddida doorashooyinka ee xisbiyada mucaaradku ka biyo diideen, Isagoo ka hadlay Munaasabad Hargeysa lagu qabtay.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Biixi ayaa sheegay in warqadii xisbiga Waddani ku hakiyay xubintiisii guddida doorashooyinka cusub meelaha ay ku socod siiyeen ay ka mid ahayd beesha Caalamka arrintaantaasi oo uu werwer ka muujiyay.
Sidoo kale waxa uu sheegay in Beesha Caalamka madaxweyne Farmaajo, ku jiro maadaama oo dawladdiisa la aqoonsan yahay.
Xisbiga Waddani ayaa hakiyay xubintii ay guddida u magacaabeen kadib markii ay sheegeen in madaxweynuhu soo magacaabay xubno Kulmiye ka tirsan.