jigjiga (HM)-Madaxweynaha ku-meel-gaarka ah ee dowlad deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya Mustafe Maxamuud Cagjar oo dib ugu laabtay magaalada Jigjiga ayaa faah faahin ka bixiyay khilaafkii siyaasadeed ee waayadii ugu danbeeyay ka jira deegaanka iyo ugu danbeyntii in la soo afjaray.
”Tan iyo wixii ka danbeeyay markii maamulkan cusub la yagleelay waxaa soo noq noqnayay cabaqabado sababay in nidaamku sidii la rabay uusan u socon, kala aragti duwanaasho la xiriirta dib sidii xisbiga loogu yagleelo lahaa baa jirtay, taasoo keentay in saxaafaddo siyaabo kala duwan uga hadasho, arrimahaa ayaa keenay in aan Addis Ababa tago, dhamaanba wixii qaladaad ah ee jirayna waan isku soo afgaranay oo waa la xaliyay” ayuu yiri Mustafe Cagjar.
Wuxuu sheegay in arintaa ay ka faa’ideysteen shacabkad isku xiran oo ka tirsanaa maamulkii hore ee uu madaxweynaha ka ahaa Cabdi Maxamuud Cumar oo dacwado iyo eedeymo aan jirin u ka faafiyay mas’uuliyiinta deegaanka.
‘’Dabcan khilaafka iyo rabashadihii ka dhacay deegaanka gaar ahaan magaalada Jigjiga waxaa horseed u ahaa oo ka danbeeyay shabakad isku xiran oo ka hartay maamulkii uu hore uu madaxweynaha ka ahaa Cabdi Maxamuud Cumar, oo hay’adda Amniga iyo xafiisyada ilaa heer federaal ka waday dacwado ka dhan ah mas’uuliyiinta cusub ee degaanka, iyaga oo ka baqaya oo diidan ayuu yiri in lagula xisaabtamo dacadiyadii ay u geysteen shacabka ku dhaqan deegaanka’’
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in kooxdan shabakada ah ee isku xiran mar walba dhibsanayeen in la hergaliyo wax yaabaha ay dalbanayaan Shacabka ah ee Soomaalinimada, ku dhaqanka Diinta, Xoojinta halganka iyo ka hortaga Dulmiga oo ah ayuu yiri dhamaan wax –yaabaha ay doonayaan shacabka deegaanka.
‘’Waxaan ugu bishaareynayaan bulshada ku dhaqan dowlad deegaanka in ugu danbeyntii isku dayadii noocaas ah oo dhan si buuxda looga adkaaday oo la soo afjaray, wixii hadda ka danbeeyana shacabku uu filiyo isbadal dhab ah oo mid Amniga, siyaasadeed iyo hormarineedba leh uu deegaanka ka hergalayo’’ ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Maalmihii ugu danbeeyayba dowlad deegaanka Soomaalida waxaa ka jira khilaaf siyaasadeed oo ragaadiyay dhamaanba howlihii maamulka, iyadoo dhinaca kalana magaalada Jigjiga ay ka dhaceen rabashado ay dad ku dhinteen oo sababay in magaalada lagu soo rogo Bandow lagu xadidayo dhaqdhaqaaqa dadka.