Jigjiga (HM) Madaxwaynaha deegaanka Soomaalida Mustafe Cagjar ayaa sheegay inay Somaliland uga dayan doonaan Diimuqraadiyad, Xoriyad iyo Nabad gelyada ka jirta , Wuxuuna sheegay inay cashar ka baran doonaan, Wuxuuna xusay in Qul qulatooyinka hada ka jira uu rajaynayo inay wanaag ku dhamaadaan.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Dhinaca kale Madaxwayne Mustafe Cagjar ayaa sheegay in deegaanka Soomaalida ay hada ka muuqato isbadal wanaagsan, iyadoo dhibaatooyinkii horay uga dhacay uu deegaankusoo kabanayo.
Wuxuu booriyey is dhexgalka Soomaalida, isagoo xusay inay sii xoojin doonaan in Cidkasta oo Soomaali ah ay dareento inay deegaanka leedahay.