WARARKA SOOMAALI

DAAWO: Mukhtaar Roobow oo ka hadlay magacaabistiisa iyo xariga loo geystay

Wasiirka diinta iyo Awqaafta dowlada Somalia Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) ayaa markii ugu horeysay ka hadlay Magacaabistiisa, xarigii loogu geystay Magaalada Baydhabo iyo wixii uu la kulmay intii uu xabsiga ku jiray.

Mukhtaar Roobow Cali ayaa ugu horeyn u mahad celiyey Madaxweyne Xasan Shiikh, Guddoomiyaha Golaha shacabka Aadan Madoobe iyo RW Xamza oo uu sheegay inay meesha ka saareen afduub iyo Dulmi ay kula kacday dowladdii hore.

Mukhtaar Roobow ayaa ku baaqay in gogol nabadeed oo dib u heshiisiin ah la dhigo magaalada Baydhabo si dhibaatooyinkii dhacay la iskaga cafiyo.

Wasiirka diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mukhtaar Roobow ayaa sanadkii 2018 laga soo qabtay Magaalada Baydhabo, isagoo dowladda u xirnaa mudo ku dhow 3 sanno.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

DAAWO: Mukhtaar Roobow oo ka hadlay magacaabistiisa iyo xariga loo geystay
To Top