Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa War cusub kasoo saaray xaaladda doorashada dalka ka dhaceysa iyo caqabado ku hor gudban doorashada oo ay sheegeen in loo baahan yahay in wax laga qabto.
War-saxaafadeed kasoo baxay Midowga Musharaxiinta ayaa waxaa walaac xoogan looga muujiyay in doorasho xor iyo xalaal ah ku qabsoonto wixii loogu tala-galay, isla markaana ay ku hor gudban yihiin caqabo dhowr ah oo u baahan xal.
Midowga ayaa sheegay in xal aan loo helin xalinta khilaafka soo kala dhex-galay Guddiga doorashada Xildhibaanada Somaliland iyo arrinta Gobolka Gedo oo ay xuseen xal rasmi ah oo loo helin oo lagu wada qanci karo.
Sidoo kale Midowga Musharaxiinta ayaa tilmaamay in weli caqabad ay ka taagan tahay Hirhabeelle gaar ahaan Gobolka Hiiraan, iyagoona sheegay in muhiim ay tahay xalinta arrintaas, si loo hubiyo doorasho xor ah oo halkaas ka dhacda.
Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa sheegay inay k welwelsan yihiin faragelin uu ku haayo habsami u socodka doorashada Madaxweynaha dowladda Federaalka Maxamed C/llaahi Farmaajo.