WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Maxay ka wada hadleen RW Rooble iyo MW ku-xigeenka Imaaraadka?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magaalada Dubai kula kulmay Madaxweyne ku-xigeenka Isutagga Imaaraadka Carabta ahna Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Maxamed Bin Raashid Ala-Maktoum oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka soo jireenka ah iyo iskaashiga labad dal.

Labada Ra’iisul Wasaare ayaa kulan kooda diiradda ku saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee walaalaha ah, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga iyo horumarinta dhaqaalaha , dhoofka xoolaha Soomaalida ee loo iib geeyo dalka Imaaraadka Carabta ,iyo sida ay lagama maarmaan u tahay sidii dal-kugalka (Fiisooyinka) loogu fududeyn lahaa Soomaalida u safarta dalka Imaaraadka Carabta.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhiggiisa Imaaraadka Sheikh Maxamed Bin Raashid uga mahadceliyay kaalinta Dowladdiisu ay ka geysatay gurmadka loo fidinayo dadka Soomaaliyeed ee ay abaartu saameysay.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Imaaraadka Sheikh Maxamed Bin Raashid sheegay in dowladdiisu kordhin doonto gargaarka la gaarsiinayo dadka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

DAAWO:-Maxay ka wada hadleen RW Rooble iyo MW ku-xigeenka Imaaraadka?
To Top