WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Maxay ka wada hadleen Madaxeyne Biixi iyo wafdi ka socday Qatar?

Maxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi  ayaa waxaa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley wefti ballaaran oo safar shaqo ku tegay Magaalada Hargeysa kana socday dalka Qadar oo uu hoggaaminayo Ergayga gaarka ah ee Wasiirka arrimaha dibedda ee dalka Qadar, Dr. Mutlaq bin Majed Al-Qahtani.

Muuse Biixi yaa warbixin dheer ka siiyey weftiga xaaladda guud ee Somaliland iyo halkii laga soo ambo qaaday geeddiga dimuquraaddiyadda muddo Soddon sanno ah, waxaanu Madaxweynuhu weftiga ka guddoomay salaan ay uga sideen madaxda dalka Qadar.

Kulan dhexmaray labada dhinac ayaa waxaa looga wada hadlay in labada dhinac ay yeeshaan xiriir wanaagsan oo walaalnimo iyo iskaashi wada shaqayneed iyo in dalka Qadar halkan (Somaliland) ku yeesho xafiis Diblumaasiyadeed oo rasmi ah

Halkaan ka Daawo Muuqaalka iyo Warbixinta.

SOMALI NEWS

To Top