WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Maxaa ka ogtahay Bandow lagu soo rogay Degmooyin ka tirsan Puntland?

Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Bari Xuseen Cali Maxamuud ayaa ugu baaqay ciidamada Booliska ee Gobolka Bari in ay ku sugnaadan goobahooda shaqada Marka laga reebo ciidamada ku jira xaqiijinta amaanka Gobalka islamarkaana ay gutaan waajibaadkooda shaqo ee loo igmaday iyagoo u dhimrinaaya shacabka.

Taliye Xuseen ayaa sida oo kale sheegay in la xiri doona isku socodka Gaadiidka 24 saac laga bilaabo lixda Makhribnimo ee Caawa dhamaan Degmooyinka Gobolka Bari waxaana uu bulshada faray in ay qaataan Awaamiirta.

Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Bari Xuseen Cali Maxamuud ayaa Bulshada ka dalbaday inay la shaqeeyaan laamaha amniga, si looga hortego falalka amni darro ee xiliyada qaarkood dhaca, maadaama doorasho ay ka dhaceyso degmada Ufayn.

25-ka Bishaan oo beri ku beegan ayaa la qorsheynayaa in Saddexda degmo ee kala ah, Qardho, Eyl iyo Ufeyn inay ka dhacaan doorashooyinka Golaha degaan ee qof iyo Cod, waxaana socda diyaar garoowgii ugu dambeeyay.

RIIX HALKAAN SI AAD U DAAWATO

 

DAAWO:-Maxaa ka ogtahay Bandow lagu soo rogay Degmooyin ka tirsan Puntland?
To Top