Laascaanod (HM ) Maamulkii Khaatumo ee uu Hogaaminayey Dr. Cali Khaliif Galaydh islamarkaana Heshiis La galay Maamulkii Axmed Siilaanyo Xili uu Wakhtigiisu dhamaanay ayaa waxaa weli dood ka taagan tahay Fulinta Heshiiskaasi.
Xukuumadda Cusub ee uu Hogaamiyo Muuse Biixi ayaa dhankeeda siwayn uga Biyo diiday Fulinta Heshiiska Khaatumo iyo Somaliland, waxaana sidoo kale Dr. Cali Khaliif uu Wakhti dheer Fulinta heshiiskaasi ugu sugnaa magaalada Hargeisa, Waxaana jiray Kulamo uu la qaatay Madaxwayne biixi oo aan Midho-dhal noqon.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Sidoo kale Dr. Galaydh oo Warbaahinta la hadlay dhowr jeer ayaa xusay inaan weli dheg Jalaq loo siinin Heshiiskii ay la galeen Somaliland.
Warbaahinta Gudaha ee Somaliland ayaa Dhankeeda Warbixino kala duwan ka diyaariyey Arimahaasi, Waxaana sidoo kale dhowaan ka hadlay Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Cirro.
Inkastoo Markii horaba deeganaada SSC aan Heshiiska Khaatumo iyo Somaliland laga wada Taageerin, Hadana Fulin la’aantiisu waxay dhirbaaxo ku noqotay Siyaasiyiinta Door bidayey in Somaliland wax lagu darsado.