FEATURED VIDEO

DAAWO:-Mas’uuliyiin dhimasho iyo dhaawac ku noqday Qarax ka dhacay Hiiraan

Inta la xaqiijiyey labo qof oo kala ah Duqii degmada Feer-feer Soomaaliya Khaliif Muumin Garaad iyo Haweeney Maqaayad ku laheeyd Saldhiga Gudahiisa ayaa ku dhintay qarax miino oo ka dhacay Gudaha saldhiga Booliska Baladweyne.

Sidoo kale qaraxa waxaa ku dhawacmay Guddoomiyahii degmada Feerfeer Soomaaliya Mahad Maxamed Xasan iyo Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Baladweyne Laba xidigle Maxamed Maxamuud Qoorsheel.

Laamanaha Amaanka Magaalada Baladweyne ayaa dhawaca iyo dhimashada Masuuliyeentan ka qaaday goobta uu qaraxa ka dhacay, iyagoona geeyay Xarun Caafimaad  oo ku taalla Magaaladaas.

Qaraxa kadib Ciidamada Amaanka ayaa bilaabay Howlgalo lagu xaqiijinayo Amaanka Magaalada Baladweyne, waxaana waddooyinka lasoo dhigay Ciidamo aad u hubeysan oo baarayo gaadiidka iyo dadweynaha.

RIIX HALKAAN SI AAD U DAAWATO

 

DAAWO:-Mas’uuliyiin dhimasho iyo dhaawac ku noqday Qarax ka dhacay Hiiraan
To Top