WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Mareykanka oo Shiinaha ku eedeyay inuu sameeyay cudurka Coronavirus iyo Xiisadda-Video

Muqdisho (HM)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in dowladdiisa ay isku dayeyso inay go’aan ka gaadho haddii coronavirus uu asalkiisa ka yimid sheybaadh ku yaalla magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha.

Sidoo kale Xog-hayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo ayaa ugu baaqay Beijing “inay caddeyso” waxa ay ka ogtahay arrintaasi.

Asalka cudurkan ayaa weli ah mid aan la ogeyn. Hase yeeshee waxaa horey loo sheegay inuu ka dillaacay suuq xoolaha lagu iibiyo oo ku yaalla magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha, taasi oo Mareykanka ay shaki weyn ka muujiyey xaqiiqnimada sheegistaa.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Taleefishinka Fox News ayaa Arbcadii sheegay in fayruska uu ka yimid sheybaadh ku yaalla Wuhan, balse aan looga dan lahayn in hub ahaan loo adeegsado ee uu qeyb ka ahaa dadaal Shiinaha ay ku muujinayaan awooddooda ah inay aqoonsan karaan oo ay fayrus ula dagaalami karaan si la mid ah kawa awooda badan Mareykanka.

Warbixintan iyo kuwa kale ayaa sheegay in qof uu fayruska ku qaaday sheybaadhka kadib tegay suuq xoolaha lagu gowraco halkaasna uu ka billowdo faafitaanka cudurkan dunida aafeeyay.

Trump oo isaga oo shir jaraa’id ku qabtay Aqalka Cad wax laga weydiiyey arrintan ayaa sheegay inuu ka warhayo wararka sheegaya in fayruska uu kasoo baxsaday sheybaar ku yaalla Wuhan.

“Waan baari doonaa xaaladdan aadka u xun ee dhacday,” ayuu yiri Trump.

Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo oo la hadlay Fox News kadib shirka jaraa’id ee Trump ayaa yiri “waxaan ognahay in fayruska uu ka yimid Wuhan. Islamarkaana sheybaarka Wuhan Institute  dhowr mile oo kaliya ayuu u jiraa suuqa xoolaha.”

“Waxaan ka dooneynaa dowladda Shiinaha inay is-furto, oo ay sharaxdo sida cudurkan u faafay, dowladda Shiinaha waa inay runta caddeyso,” ayuu yiri Pompeo.

Sheybaarka Wuhan Institute ayaa bishii Febraayo ku gacan seedhay xanta ku saabsan in fayruska si ku talo-gal ah loogu abuuray halkaas, kadibna uu kasoo baxsaday.

SOMALI NEWS

To Top