Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa sheegay in wax la aqbali karo aysan aheyn Go’aankii Xildhibaanada Golaha Shacabka ay muddo kordhinta ugu sameeyeen hay’addaha dowladda Federaalka iyo Madaxweyne Farmaajo.
Sheekh Shariif ayaa Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ugu baaqay inay dib ugu laabtan Teendhada Afisyooni, si xal buuxa looga gaaro khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada dalka ka dhaceysa.
Madaxweyne Farmaajo ayuu tilmaamay in dalka wixii ka dhaco uu Mas’uuliyadiisa qaadayo haddii dib loogu laaban waayo Teendhada Afisyooni, isagoona Beesha Caalamka uga mahadceliyay dadaalka ay ugu jiraan xal u helida doorashada.