WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo sheegay in Dowladda Farmaajo ku fashilantay Heshiisiinta Galmudug-Video

Muqdisho (HM) –Madaxweyne kuxigeenka Dowlad goboleedka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey  oo horey xilka uga qaadeen Garabka Galmudug ee ku sugan Magaalada Dhuusa Mareeb ee Caasimadda Maamulkaas ayaa afka furtay.

Carabey oo markii horeba garab ka helayey Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka deyriyey rajada laga qabo inay wax ka qabato Khilaafka ka taagan Maamulka Galmudug.

Wuxuu sheegay inay Dowladda Soomaaliya ku fashilmatay inay go’aan iyo xukun cad ka qaadato cidda qaldan labada garab ee isku hayo maamulkaas.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Carabey ayaa xusay inuusan jirin Khilaaf shakhsiyan kala dhaxeeyo Madaxeynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf balse ay isku hayaan fulinta qaar kamid ah qodobadii heshiiskii Galmudug iyo Ahlu Sunna.

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug ee xilka laga qaaday ayaa tibaaxay inay weli wax socon la’yihiin isla markaasna uu fadhiisad noqday Maamulka Galmudug.

Maamulka Galmudug ayaa noqday  maamul aan dadkiisa u shaqeyn, waxayna madaxda maamulkaas waqtigii ku lumiyeen khilaaf dhexdooda iyo dano shakhsiyadeed oo ay ugu horeyso sidii ay qolo kasta u heli laheyd lacag.

Inta badan Siyaasiyiinta kasoo jeedo Maamulka Galmudug ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyey inay iyada sabab u aheyd burburka Maamulka Galmudug, sidoo kalana ay garab taagan tahay garabka uu hormuudka u yahay Carabey inkastoo ay hadda muuqato inay kala furteen Carabey iyo Dowladda Dhexe.

Khilaafka Galmudug ayaa meeshii ugu darneyd gaaray kadib Heshiiskii dhexmaray Ahlu Sunna iyo Galmudug oo kenay in Maamulka loo soo raro Magaalada Dhuusa-Mareeb oo ah Caasimadda rasmiga ah ee lagu heshiiyey markii maamulkaas la dhisayey.

 

SOMALI NEWS

To Top