Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta socdaal kormeer ku tagay Tuulada Baareey oo dhowaan uu ku fatahay Webiga Shabeelle.
Madaxweynaha oo kormeerkiisa ay ku wehliyeen Wasiiro, Xildhibaano iyo Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa indha indheeyay goobta uu fatahaada ka sameeyay Wabiga oo howlo lagu xirayo ay ka socoto.
Cali Guudlaawe ayaa sheegay in fatahaadaha ay saameeyen in kabadan 25 tuulo, dhibaatada ugu badana ay ku dhacday Tuulada Baareey oo dadkii daganaa ay ka barakaceen fatahaada, xaalad adag oo dhanka nolosha ah ay ka jirto.