Wafdi uu hoggaaminyo Wasiiru dowlaha Howlaha Guud Axmed Cabdi Kaariye ayna ka mid ahaayeen Wasiir Ku xigeenka Wasaarada Dekadaha Cismaan Daallo iyo Sentar Cabdi Qeybdiid ayaa maanta gaaray magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Wafdigan oo ay la socdeen injineerada dhisi lahaa dekeda Hobyo oo dhowaan uu Madaxweyne Farmaajo uu dhagax dhigey xilligii uu booqanayay dowlad goboleedyada Galmudug iyo Puntland, Waxaana Wasiirku sheegay in wafdigan ay daba joogaan balanqaadkii madaxweynaha ee ahaa in dib loo dhiso Dekada Hobyo.
Injineero ka socotay Shiinaha oo loo geeyay dekadda si ay qiimeyn ugu sameeyaan ayaa booqday 3 goobood oo kala ah, Marsadii hore oo ah halkii uu Madaxweynuhu dhagaxa dhigay, Ceel-Cad oo magaalada u jirta 15 Miles iyo Daab-cad oo iyana magaalada ka baxsan, qiimeyn ka dib, waxa ay ku qanceen halkii Madaxweynuhu horay u dhagaxdhigay lana go,aamiyay in halkaas laga dhiso Dekada Hobyo.
Sida qorshuhu yahay 72 Saacadood gadahood ayay Soomaaliya Iyo Shiinuhu kala saxiixan doonaan heshiiska Dhismaha Dekadda.