Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo wafuuda la socotay ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Qardho ee xarunta Dhaqanka.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Kumanaan shacab ah ayaa wafdiga kusoo dhaweeyey banaanka magaalada iyadoo sidoo kale wadooyinka waaweyn ay taagnaayeen shacabka saacado badan iyagoo si diiran usoo dhaweeyey wafdigan balaaran.
Madaxwyanaha ayaa wuxuu soo dhowaynta kadib halkaasi ka jeediyey Khudbad uu kaga hadlay Xaalada dalka iyo soo dhowaynta loo sameeyay.