Madaxweynaha dalka Tanzania, Marwo Saamiya Suluhu Xasan iyo wafdi ay horkacayso ayaa waxaa ay Maanta talaado ah ka degeen Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha ee Jomo Kenyatta International Airport (JKIA) ee magaalla-madaxda dalka Kenya ee Nairobi.
Madaxweynaha oo la socotay Diyaaradda Shirkadda Air Tanzania ayaa booqasho rasmi ah oo 2 maalmood ku joogi doontaa Kenya, waxaana Garoonka JKIA ku soo dhaweeyey Wasiirka Arrimaha Dibedda Kenya, Raychelle Omamo iyo Wasiirka Sport-ga, Ambassador Amina Mohamed iyo Hoggaamiyayaal kale.
Madaxweynaha Tanzania ayaa waxaa u qorsheysan inay dhigeeda dalka Kenya, Uhuru Kenyatta gelinka dambe ee maanta kula kulanto Xarunta Aqalka Dowladda Kenya (The State House) ee ku yaalla Nairobi.