WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Madaxweynaha Puntland oo si kulul uga hadlay Suldaankii Boosaaso lagu dilay-Video

Garoowe (HM)-Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka tacsiyeeyey geerida ku timid Marxuum Suldaan Bashiir Muuse Koonte oo maanta uu nin hubeysani ku dilay gudaha magaalada Boosaaso.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in marxuumka uu kamid ahaa madax dhaqameedka ugu firfiroon ee Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya isagoona alle uga baryay in uu janadii Fardowso geeyo marxuum Suldaan Bashiir Muuse koonte.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Sidoo kale madaxwayne Deni ayaa laamaha amniga faray in ay degdeg u soo qabtaan shakhsigii ka dambeeyay dilka marxuumka iyo cid kasta oo gacan siisay.

Madaxweynaha Puntland ayaa ugu dambeyn kula dardaarmay shacabka Puntland in ay si dhow ula shaqeeyaan ciidamada amaanka.

SOMALI NEWS

To Top