WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Madaxweynaha Maamulka Puntland oo Dowladda Federaalka ku eedeeyay inay wado burburinta Puntland-Video

Garoowe (HM)-Madaxweynaha  Maamul gobaleedka Puntland, Siciid Cabudllaahi Deni oo Sabtida maanta ah ka hadlayay madal lagu daah-furay mashruuc waxbarasho, ayaa ku baaqay in bulshada Puntland ay ku fara’adaygaan nabadda iyo xasiloonida ay haystaan ee Punland ku soo caana-maashay.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in bulshada u dhalatay gobolladan ay aas’aaskii Puntland u hureen naf iyo maalba, si ay u helaan nidaam dowladeed oo ka saara amni-xumadii iyo horumar la’aantii haysatay gobolladii waqooyi bari ee Soomaaliya oo mar lagu naanaysay “Gaari’waa” maadaama aysan waxba u qaban dowladdii dhexe ee Soomaliya.

Mudane Deni ayaa nasiib-darro ku tilmaamay , in qaar kamid ah bulshada Puntland ay illaawaan dhibkii la soo maray ka hor aas’aaskii Puntland, iyadoo gobolladan ay ka jireen amni-xumo iyo horumar la’aan dhinac walba saameeyay ka hor inta la hirgelin dhismihii Puntland oo laga dhaxlay nabadda iyo horumarka maanta socda.

Puntland waxaa la rabaa, wixii ay shalay soo maal-geshatay oo ay u horreysay in ay nidaam iyo maamulk dhisato, oo ay ku xigtay in ay nabadeeda ka shaqeyso, oo ay ku xigtay dadkeeda in ay u adeegto, oo ay ku xigtay in ay dadkeeda u hagto, in aysan qax-qaxin oo bara-kicin, waxaan u baahannahay in aan aad ugu fara’adaygno nidaamka aan halkaa ku gaarnay” ayuu yiri Deni.

Sidoo kale, wuxuu bulshada Puntland xasuusiyay horumarka ay Puntland ka gaartay dhanka adeegyada aas’aasiga ah oo xilligii dowladdii dhexe ee Soomaaliya aan degaannadan ka jirin, balse loo aadi jiray magaalada Muqdisho iyo dhul kale, maantase dhammaan laga helayo gudaha Puntland.

Dhinaca kale, madaxweyne deni ayaa soo hadal-qaaday lacago dowladda Federalka Soomaaliya ku deeqday oo la soo geliyay gudaha Puntland, iyadoo aan loo soo marin nidaamka Maaliyadeed ee Puntland u deggan, taasi oo uu ku tilmaamay “sharci-darro”.

Deni ayaa xusay in Puntland ay abaal ku lahayd dhismaha dowladnimada Soomaaliya, isagoo sheegay in ay Puntland lacago ugu deeqi jirtay dowladdii KMG ahayd, laakiin ay marsiin jirtay nidaamka saxda ah, halka sida uu sheegay ay haatan dowladda dhexe lacagaha Puntland loogu tala-galay aysan soo marin hannaanka Maaliyadeed ee Puntland.

Lacagtaasi Puntland dad kale uma aysan diri jirin, qabiilana uma aysan diri jirin, ee nidaamka dowliga ah bay ku diri jirtay ee wasaaradda Maaliyadda” ayuu yiri madaxweynaha isagoo sii raaciyay” waxaan aad uga xumahay in dowladda federaalku ay tiraahdo annagaa qeybi-nayna oo reer-reer baan ugu soo qoraynaa iyo magaalo-magaalo”.

Waxaa kale oo uu dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay in ay ka shaqeynayso, nidaamka iyo dowladnimada Puntland in ay burburiso, iyadoo u adeegsanaysa kicinta dhalinyarada da’yarta ah ee aan weli garaadkoodu buuxsamin.

Ugu dambeyntii,  Deni ayaa si cad u diiday guddiga loo magacaabay wada-hadalka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland oo sida uu sheegay ay ku jiraan xubno lagu tuhmayo in ay ku lug-lahaayeen hurgumooyinka bulshada Soomaaliyeed dhex yaalla.

SOMALI NEWS

To Top