WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Madaxweynaha maamulka Puntland oo dhaliilay tayada iyo aqoonta Xukuumadda Khayre-Video

Garoowe (HM)-Madaxweynaha maamul goabaleedka Puntland Soomaaliya Siciid Cabdilaahi Deni oo maanta daahfurayey  bilawga Qorshaha Horumarinta Puntland ee 4-aad sanadaha 2020 -2024 ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya dhaliil kulul u jeediyey.

Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya diyaarisay Tubo ay sheegtay in ay qayb ka yihiin qorshaha horumarinta Qaranka, balse Deni ayaa dhaliilay qaabka loo diyaariyey Tubahaasi.

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale saluug ka muujiyay in dowladda federaalka uu madax ka noqdo qof aanan “waayo aragnimo badan lahayn”.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

“Ciladaha hadda dowladda dhexe kasoo baxaya waxa weye, qof hadda Jamaacad kasoo baxay kawarama hadii la yiri qof qaliin ku samey soo khatar gelin maayo, isaga oo aanan tababar qaadan. Dowladda Soomaaliya in layska yimaado ayaa aad u sahlanatay. Qof aanan waligiis xafiis dowladeed soo marin ayaa madaxii ugu sareeya noqon kara. markuu noqdo waqti ayey ka qaadaneysaa in uu fahmo habka dowladnimada u shaeyso, markaasi waxay noqoneysaa in qorsheyaashii uu hay’addaha kala yimaaday ku shaqeeyo. Tubahan la sheegayo waa qorshe waaxeedyadii, hay’adduhu waxaasi ayey leeyihiin, dalalku waxaasi malahaan karaan, runtii waa wax ka duwan. Hay’addihii baa ka imaaneysaa markaasi baad ummadan la imaaneysaa oo khatarteeda leh,” ayuu yidhi Deni Madaxweynaha Maamul gobaleedka Soomaaliya ee Puntland.

Dhinaca baaxadda, Soomaaliya oo kaalinta 44aad kaga jirta caalamka ayaa sidoo kale kamid ah dalalka ugu qanisan caalamka, balse xasilooni siyaasadeed la’aanta waxay dhaxlisay in dadkiisa ku tiirsanadan kaalmo dibadda ah.

Ugu dambeyntii, Deni oo qeybaha kala duwan ee bulshadda ku booriyey in ay ka shaqeeyaan horumarinta, amniga iyo xasiloonida siyaasadeed ee dalka ayaa si cad daaha uga rogay “dhaliisan uusan dhibsaneen balse uusan xaqa ka gam-ban doonin”.

 

SOMALI NEWS

To Top