WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Madaxweynaha Kenya oo kasoo horjeestay Go’aankii Maxkamadda ICJ

Madaxweynaha waddanka Kenya, ayaa gaashaanka u daruuray xukunka Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ee qeybta libaax Muqdisho ka siiyay murankii badda ee u dhaxeeyay Kenya iyo Soomaaliya.

Uhuru Kenyatta, ayaa ka digay in go’aanka Maxkamadda ICJ ay inta badan baddii lagu muransanaa ay ku siisayay Soomaaliya uu waxyeelayn doono xiriirkii ka dhaxeeya labada dal.

Madaxweynaha Kenya ayaa waxa uu gebi ahaanba ku gacanseeray xukunka ay Maxkamadda ka soo saartay badda la sheegay inay ceegaagaan gaaska iyo naaftada, isagoo sheegay in arrintaasi ay isbaddel wayn ku keeni doonto horumarka dhaqaale iyo midka siyaasadeedba, ayna halis gelin doonto ammaanka gobolka Geeska Afrika.

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa markale waxaa uu ku ku celilyay baaqiisii ahaa in wadahadal oo kaliya lagu soo afjari karo muranka, xili Maxkamadda ICJ ay badda u xukmisay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhankiisa soo dhaweeyay Go’aanka Maxkamadda ICJ, wuxuuna Kenya ugu baaqay inay ixtiraamto sarraynta qaanuunka caalamiga ah.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

DAAWO:-Madaxweynaha Kenya oo kasoo horjeestay Go’aankii Maxkamadda ICJ
To Top