WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Madaxweynaha Galmudug oo ka hadlay xaalada markii Ahlusunna laga adkaaday-Video

Dhuusamareeb (HM ) Madaxwaynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye [QoorQoor] ayaa Khudbad dhinacayo badan taabanaysa wuxuu ka jeediyey magaalada Dhuusamareeb.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Madaxwayne Qoorqoor oo kulan la Qaatay Baarlamaanka Galmudug iyo Gudoonkooda ayaa ka hadlay Xaalada Galmudug, Arimaha ay ka shaqeen Muddo Bil ah Kadib Doorashadiisa.

“Xaalad kasta oo jirtay waxaan ku dhex wadnay, inaan muujinayo Wadajirka, Sabirka iyo isku tanaasulka Galmudug u baahan tahay, Waxaan rabaa inaan Shacabka Galmudug ka codsado inaan inta dhiman ku dhamaystirno midno, Maanta Galmudug waa cusub ayaa u Baryey, aan Wadashaqayno, Wakhtigeena aynu gelino Galmudug Cusub oo Horumar Buuxsa samaysa “ Ayuu yidhi Qoor-qoor.

Hadalka Madaxwayne Qoorqoor ayaa kusoo aadaya iyadoo dhowaan Magaalada Dhuusamareeb laga saaray Kooxdii Ahlusuna, Sidoo kalana ay soo baxeen wararka sheegaya inuu Wadahadal la yeeshay maamulkiisu Madaxwaynihii Hore ee Axmed Ducaalle Xaaf.

SOMALI NEWS

To Top