WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Madaxweynaha DDS oo Ciidamo u diray Dagaalka ka socda Tigray

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida waddanka Itoobiya ayaa magaalada Dhagaxle ee deegaankaasi waxa uu ka sagootiyay ciidamo badan oo ka tirsan Booliska Gaarka ah ama Liyuu Booliska.

Ciidamada ayaa la sheegay in la gayn doono jiidda hore ee gobolka Tigray halkaas oo ay muddo bilooyin colaad ka taagnayd.

Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar Cagjar, ayaa u muuqda inuu ka jawaabayay baaq uu dhawaan deegaannada u diray Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo ahaa iney ciidamo soo diraan si dalka looga difaaco waxa uu ku sheegay cadowga TPLF.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Waqooyiga Gobolka Tigray ee dalka Itoobiya ayaa waxaa ka socda dagaalo xoogan oo u dhexeeya Jabhadda TPLF iyo kuwa dowladda Federaalka Itoobiya, waxaana Ciidankaan uu Mustafe Cagjar diray la geyn doonaa jiidda hore ee gobolka Tigray.

SOMALI NEWS

To Top