Muqdisho (HM)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaasha dalalka Seerbiya iyo Koonfur Kuuriya usoo magacaabeen Soomaaliya Mudane Dragan Zupanjevac iyo Mudane Choi Yeonghan.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Danjiraha Kuuriyadda Koonfureed ayaa sheegay inuu ku Faraxsan yahay xidhiidhka Labada dal, wuxuuna sheegay inay soomaaliya ka garab istaagi doonaan Dhaqaallaaha iyo Amniga.
Dhinaca kale Safiirka Soomaaliya ee Seerbiya ayaa sheegay inuu Warqadaha soo gaadhsiiyo Madaxwyne Farmaajo, Waxaanu Horay Xidhiidh ula lahayn Soomaaliya, Hadana waxaa madaxwayne Farmaajo ii dhiibay Fariin ah in la furo Bog cusub, waxaana Dawladda Soomaaliya ka caawin doonaa Arimo badan, Soomaaliya waxaa Saaxiib wayn oo aanu ku leenahay Bariga Afrika.